Gargoorray

Gargoorray Gobolka Ii Geeya

Dhawaqa Dhallinta Awdal

Posted by hiildan on June 18, 2008

Waa ayaanba ayaan,  imikana ubadkii Awdlabaa u badheedhay inay tahriibaan, oo naftooda biimeeyaan. Waxay doorteen in halkii ay ku dayacnaan lahaayeen dhulkoooda hooyo ay ku dhintaan badaha waaweyn dhexdooda, oo maydkoodana qariyaan. Iyagoo doonidu la degayso ayay la hadlayeen ehelkoodii ugu xigay. Waa wax laga muraaro dilaaco, lehna murugo aad u weyn. 

 
Ilaahbaa qaddaray, Ilaahayna marbuu kala xisaabin doonaa Ummaddiisa, oo kuwuu saaray masuulka ee ubadkooda baday ayaan darradan kala xisaabtami doonaa:
 
Dhallintii Awdalbaa
Dhawaaqdoo waxay tidhi
Dawladaan dhisnay miyay
Dhego noo yeelan wayday?
Ma dhuuxiyo cunihiyo
Laf dhabartay na gooyeen?
Ma dhaqaalihii dhulkeenaan
Dhif iyo ka laanahay dheef?
Ma cilmigaan dhiganiyo
Dhudhun baan shaqo ku weynay?
 
Ifku waa dhib iyo dhereg
Isku dheraran Ayaamuhu
Dharaariba tahay cayne
Saakana maxaa dhacay?
Soow naftu dhoofa may odhan
Dhaqaaqoo tahriiboo
Orod is dhiga dhammaantiin
Mawjadahaa dhaadheeriyo
Hirar dhirbaaxo dhaclayn
Dhul aanan aqoonin soow
Dhabarka saara may odhan
 
Dhulku wuu madawyahay
Baddu way dhanaantahay
Doontii way dheeliyaysaaye
Dhacayeey Aabo i qabo
Dhakhso Hooyo ii gurmo
Dhintayeey Awdal i aaso
Hadday noo dhammaatayna
Male dhawrto weeyiye
Ka dhigtaay tusaaloo
Dhoodhoobta baaqiga hadha
Gunnimo lama dhawaystee
Dhawrsadaay Gobanimo
Ha dhacdiidinee dhaqaaqaay
Dhaqaaq Awdaleey Dhaqaaq
 
 
 
 
Cabdiqani Yuusuf Caateeye
 
 
 

Leave a Reply

XHTML: You can use these tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <pre> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>