Dhacdooyinka Wakhtiga Cusub
Posted by hiildan on June 15, 2008
BY: Suleymaan Dugsiiye
Qarnigan aan ku jirno waa hubaal inuu is badal badan wato. Ka u weyna yahay khayraadkii dunida oo gabaabsi ku dhow. Taasina waxay dhalisay in dowladaha aduunku dib u qorsheeyaan arimahooda ku aadan docyada siyaasada, dhaqaalaha iyo deegaanka. Waxa taa ka markhaati ah waxa ka socda Bariga Dhexe, Afrikada Galbeed iyo Geeska Afrika. Dhacdooyinkooduna aad moodo inay ku salaysan yihiin boob iyo gumaysi doon casriyaysan oo ku qotoma: Qaatee qaado, Yaan lagaaga horayn, Sobotaad dooni u yeel, Maxaa kaa galey. Bal xoogaa aan falanqayno qarnigan an joogno wuxuu wato iyo sidey wax u socdaan.
Bariga Dhexe
Iiraan baa garab joogta oo indaha ku haysa oo sidii Dacawadana kolba ku qaylinaysa Libaaxa. Ninba dhariga dhankiisuu rabaa inuu dhadhaartaaye, Iiraana waa u diyaar maalintuu ka dhaqaajo Libaaxo inay dhinaca kaga boodo, baadka saarto khayraadka ooy shiicayso aduunka.
Afrikada Galbeed
Akhristow ila eeg qoraalkan hoos ku qoran:
Africa is one of the only places in the world where so many resources are still up for grabs. It holds 90% of the world’s cobalt, 90% of its platinum, 50% of its gold, 98% of its chromium, 64% of its manganese, and one-third of its uranium. Its forests are still considered the most pristine in the world. It is rich in diamonds, has more oil reserves than North America, and is estimated to have 40% of the world’s potential hydroelectric power”.
Nasiib darose waxay tahay Afrikay hurudoy way ka gaajoonaysaa khayraadkeeda. Taa waxa kasii daran, oday indho yar baa oli ugu jira oo dhuuqaya khayraadkeeda. Indha yarow shiine ayaa shax u dagay Afrika yaga oo ka faaiidaysanaya madaxda Afrika ee meheradoodii noqotay musuqmaasuq qadhmuun iyo shicibka yeelkiise naftaaduun u noolow. Sii wadi maayo warbixintaase kala soco faraha kulul ee Shiinahu ku hayo Afrikada Galbeed qoraalada isdaba jooga ah ee Warsanmag.com usoo ban dhigto akhristayaasha ee ku magac baxay ” China Storms Africa” yada oon ugusoo qori doono si tafaqyo tiran waxay Shiinuhu ka wadaan Afrikada Galbeed wadan wadan intay reer Galbeedku u xusul duubayeen dagaalada Afghanistan iyo Ciraaq..
Geeska Afrika
Waxaad doonto samee oo dhankaad dooni u jeedi si aad u hantido waxaanad lahayn gumaysina u bilowdo. Waa siyaasadii Maraykan aduunka uu ku bilaabay ee ka danbaysay qabsashadii Ciraaq iyo shidaal doonkii. War la’aan baa col hodee Xabashidaa run u qaatay oo mooday inay ka soconayso. Soomaaliya weerar ku qaaday oo Laga baray laga badiye ku andacooday waan xoraynaynaa Xamar, islamarkaana ka baabiinaynaa Al-qaacid oo soo dagtay Xamar. Xabashiyay war li’idaa, wax biirso wax beel bay leedahaye ma ku dhamaadeen askartaadii oo fari tog dheer ma kula xushey. Diqsi mowdkii galaybaa fuud kulul dabaashee Bush ku dayataye wixii kaa saaraad leedahay.
Ka wayn oo hadana ka waawayn, Timirtii horeba dab loo waaye, Eriterea oo soctoa ayaa iskeentay oo mataleysa Iiraan. Iyada oo il isku haysa oo sugaysa xabashi waxay kala kulanto Soomaali ayuu samirkii ku yaraaday. Ishiibay kala qaaday, mise Jabuuti oo dhul Soomaaliyeed ah ayaaba agteeda taala. Soomaali waa ka Soomaaliye tan yaan lagaaga horeyn ayaa go’aan lagu gaadhay. Weerar bay jac ku siiyeen Jabuuti oo xadkii bay ka talaabeen. Soomaalida Jabuuti waayahaa wax baroo waa hore ayay tabaabushaysi samaysteen oo shabeel Faransiis la yidhaahdo la saxeexdeen gaashaan buur difaac.
Aduunkaa la yaabay garadaradaasi Eriterea ku qaaday Jabuuti. Markay qaadan waayeen gartooda ayuu shabeelkii Faransiis miiraajkii ku kexeeyay oo dhan walba kaga keenay.Tiknoolaji baa la isku dhaafee cod dheer oonay dhaguhu qaadi karayna ku fureen. Difaac iska daayoo waa ciidan digtatoore naf bay moodeen tallow oo Jabuuti bay in badani isku dhiibeen. Shabeel haduu ku weeraro adiguba caqlaad leedahee Eriyow carar maxaa dhaama ayay arini ku danbeysey.
Bahdon oo afkooda yaqaana ayaa waraystay dadkooda. Sida ay u sheegeena in ka badan 120 askari oo ay ku jiraan saraakiil ayaa ka faa’iidaystay dagaalka oo isku dhiibay Jabuuti. Khasaare wixii gaadhayna dowladooda digtatoorka ahina way qarinaysaa oo shaaca lagama qaadin. Bahdoon baa soo wariyee in ka badan 220 askari ayaa loo qaaday dhakhtarada Asmara yaga oo ka cabanaya dhagaha oo tiknoolajigii shabeelku wax yeelay oo dhago la’aan baa ka dilaacday Eriterea.
Faallo
Xabashidu in badan bay faraha kula jireen arimaha Soomaalya. Waana wax lawada ogsoonyahay waxay ka rabaan carada Soomaaliyeed meel ay tahayba. Waana wax aan qarsoodi lahayn colaada qotada dheer leh ee Xabashi iyo Soomaali ka dhaxeysa. Waxase layaable maxaa lulaaya Eriteriya. Hadii ay tahay arin dhul sheegasho, dee wax hore u jirayay waa inay noqotaa sida dhulka xabashidu ka haysato Soomaalida ee wax mar qudha uun soo baxa ood damacdo ma dhici karto. Hadiise ay jirtaba waxa jira dariiqyo siyaasadeed oo la maro aduunkuna yaqaano. Sidayse aniga ila tahay caado ayay u noqotay Eriterea inay cid walba la dagaalamaan marka aad eegto inta wadan ee ay isku taageen tan iyo intay ka go’een Xabashida. Waase waxay ka guraan maalin bay af libaax gali doonaan.
Iskusoo wada xoori;
Aduunkani maanta waa la is dhacayaa. Khayraadkiina waa gabaabsi. Waxaad moodaa in Taariikhdu dib isku qoreyso oo indhihii aduunku Afrika wada hayaan. Indho yarow Shiine guray Afrika siibana Afrikada Galbeed isaga oo isticmaalaya madaxda Afrika ee hunguriga u dhintay. Qaybistii iyo boobkii Afrika reer Yurubku ku qaadeen inay soo noqonayso ayay u egtahay oo waliba hada ay Afrikada qudheedu cid walba uga horeyn oo dhexdeeda is boobi.
Soomaaliyay badaheenii la guray buuraheenana waa lagusoo socdaaye maxaa inoo talo ah? Reer Yurubkaa ina qaybiyee inta yar ee inagu hadhay in la kala qaato ayaa la rabaaye maxaa inoo talo ah? Shidaal keena dahsoon in la faqdo oo aynaan anfacsan baa la wadaaye maxaa inoo talo ah? Marnaba ma jeclaadeen in ay inagu dhacdo sida ku socota Afrikada Galbeede maxaa inoo talo ah?
Waa hubaal difaaca qudha een leenahay inay tahay isku duubni iyo wada jir. Wadano waan kala yeelan karnaa oo wakhtigaa taa keenay ee dan guud oon ku ilaashano caradeena inta yar ee inoo hadhay ma wada yeelan karnaa?
Hadii aan isku duubni iyo dan iyo difaac guud wada yeelano, waxaan hubaa, reer Yurub kiiba eryanaye, Xabashida iyo reer Eri ba arintoodo inay ku danbayn ” kaam shuufnaa maraakiib macadala huuri..”
Soomaaliyay, khayraadkii Afrika Shiinaa gurtee, caradeenana lagu sheeg inay joogaane bal isha ha lagu hayo waxay falayaan “juuj jamaa juuj” iyo madaxdeenu heshiiska ay la galayaan ileen khayraadka waan wada leenahaye.
Wa bilaahi Towfiiq.
Suleiman Abdi Dugsiiye
Ottawa.