Gargoorray

Gargoorray Gobolka Ii Geeya

Dr Daahir Rayaale Kaahin, Dalka Hasii Dhakhtariyo 10 Sanadood oo Danbe

Posted by hiildan on May 12, 2008

Madaxweyne Siyaad Barre(AUN), wuxu hogaanka u hayay  ummad u badan dad waalan oo wuxu ahaa dhakhtarkii dadkaasi ku daawaynayay jeel majnuunka. Markuu ka tegayna waxay kasoo wada baxeen  jeelkii oo waxay soo galeen magaalooyinkii iyo tuulooyinkii. Wixii ka dhacayna waa kaas wali socda ee la joojin kari laayahay. Waana taasi aynu maanta markhaatiga u nahay in walaalaheenii Soomaaliyeed ee Koonfur ay bakhtiga cunayaan baahi daraadeed.

 

Dhinaca Woqooyi Soomaaliya; Kuwii jeelasha ku jiray qaar ka mid ah ayaa iyaguna soo gaadhay  ka dib markii Dhakhtarii dalka Jaalle Dr Siyaad laga tuuray xukummadda. Kuwaasina wixii ay geysteen waalla ogaa, nasiib wanaagse dhakhaatiir kale ayuu Ilaahay u bixiyay oo Marxuun Cigaal ugu horreeyay. Beelaha Somaliland ayaa iyaguna guntiga dhiisha iskaga dhigay sidii kooxdaasi Jeel majnuunka kasoo baxday aanay talada dalka u maroorsan, waana lagu guulaystay.

 

Balse maanta, waxa batay habqankii iyo hugunkii dadkaasi xag jirka ah. Waxana lanagu wareeriyay maxaa dhici doona 15ka May iyo wixii ka danbeeya?; Waxa dhici doonaan idin sheegayaynaa, oo ah labo idiin kala daran midkood:

 

(1).       In dadkii kasoo baxay Jeel majnuunku xoog bataan oo ka adkaadaan dhakhaatiirtoodii iyo hor joogayaashoodii. Kadibna Somalialand ku noqoto beel-beel iyo qooys-qooys, kad dibna dadkeedu sida kuwa walaalaheena Koonfur Soomaaliya ay Macaluul daraadeed u cunaan Hargaha iyo Saamaha, dib danbana  usoo dhismi weydo inta taariikhdeeda ka hadhay.

 

(2).       In dhakhtarka dadka waal-walan dhakhtariya oo ah Dr Daahir Rayaale iyo kalkaaliyayaashiisa caafimaadku, iyagu xoog bataan oo toban sanadood oo danbana loogu daro inay sii daaweeyaan dadka jeel majnuunka ku jira.

 

Kala dooro labadaas midkood ayayna u taagan tahay dadka maankoodu saxa yahay (The right minded people) ee Somaliland, wixii ka danbeeya 15ka May. Waxanan dooranaynaa in Dhakhtarka imikaba ku takhakhusay sida bulshadaas u badan xag jirka loo daweeyo, hadana la sii doorto 10 sanadood oo danbana.  Maxaa yeelay; waxan khaati bi-nafsi ka taaganahay in maalinkasta lanagu khuukhiyo mujaahiliin baan ahayn iyo dhulka waan usoo dhimanay. Dee nin dhiig soo cabbay waa nin waalan, wuxuna u baahanyahay Dhakhtar daweeya. Dhakhtarkaasina waa Daahire, toban Sanadood oo danbana dalka dib ha u hayo.

 

Wixii ka danbeeya 15 ka May, AllBoon.com waxay raacsantahay Dhakhtarka iyo macalinka Dalka Dr Jaalle Daahir Rayaale Kaahin; HiilDana waa yeelkadiisa.!

 

 

 

 

 

Leave a Reply

XHTML: You can use these tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <pre> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>