Gargoorray

Gargoorray Gobolka Ii Geeya

Dalsan Boorama

Posted by hiildan on May 12, 2008

Dalsaneey Booramoo Daruuruhu Hadheeyeen.

 

Deeqi Waxay La Midab Tahay, Dalsaneey Booramoo Daruuruhu Hadheeyeen

Abdiqani Ateyeh — London, UK — 10 May, 2007



 

Abwaan waliba Darajadii

Fannaan waliba Dookhii

Sheekh waliba Duruustii

Dulqaad iyo Xaaji Daacaddii

Duq waliba Garaadkii

Ardayna Dadaalkiis

Doc ka tuurna yeelkii

Xasadna waa Dunjigiise

Dareenkiisa nin waliba

Darandoorri Murtidoo

Dumar tuu ka calmaday

U Dalaandal Gabayoo

Dalabaadka heesihiyo

Muusig wada Dananaayiyo

Durbaankaba u garaacye

 

Anna midda ii Daranee

Dareenwadaha jidhkiyo

Dulkiyo raacday Aragtida

Halbawlahana Darartee

Dig ka siisay wadnihiyo

Dacaladayda Beerkee

Dubaaxinaysa Laabtiyo

Dubkiyo Jiidhkaygaba

Daymo Aragtideediyo

Dul ahaan quruxdeeda

Doodyar an ka sheegee

Dadyahow iga Maqla Sahra

Dabuub an ku Ammaanay.

 

Diihaal iyo waa adigoo

Daranyiyo qaba oonoo

Dalandool ku Raagoo

Diiqiyo Naftaaduna

Dalanbaabiba kugu tahoo

Diciifnimana la liita

Diidaayana  Gaajo

Itaalna dhigay daraygaa

Sida Danab kuu cirtyo

Roob kuu Darroorayoo

Haraadkii ku Dooxiyo

Kaa Diniq tiray baahida

Daalkii kugu badnaa iyo

Diiftii kaaba Reebaye

 

Damacse lama hadloo

Deelqaaf looma Doodoo

Laguma Darana beeniyo

Dafiraad iyo is Diidsiine

Adigoon waranyo Darraan

Dardarina maansada

Duxdaa loo Daadagaayoo

Runta Lagu Dabbaqaaye

Yartan aniga ii Deeqday

Muuqeedu waa Dahab

Duni kale lagu Aragoo

Malaha Degaanka Awdaliyo

Ku Dahsoon Libaaxlay

Iyo Dararka Gargooray

Dixda Quruxiyo Ceelbaxay

Durduradii Khadar iyo Ilayaasiyo

Halka lagu Duugay sh Xuseene

 

Waxba Duryanka yaan wadin

Dayaanku ila fogaanine

Dabaal joojina naxwahoo

Kuba sii Daalin Ararta’e

Waxan kusoo Daday heestii

Dam ku yahay Hadalkuna

Deeqi waxay la midab tahay

DALSANEEY BOORAMOO

Daruuruhu Hadheeyeenoo

Ku Da’aayo Mahiigaan

Dareemadiyo Cawskiyo

Durba Doogiyo Ubaxuna

Daafyaha is galiyeenoo

Dallaalimaysay Milicduye

 

 

2 Responses to “Dalsan Boorama”

  1. Dilaawi said

    Waa gabay aad u macaan.

  2. mohamed said

    ilahay muritada ha ku siyaadiyo bro, waxa ay ilahay tahay gabayga in aad dhaxal uu kugu soo galay anyway markaa walaal nolow muwaadin dadaalayaa ayaad ila eektahay tbnkx bro

Leave a Reply

XHTML: You can use these tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <pre> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>